
LIVE COACHING
Ku biir fasalo u baxaya si toos ah - In-Person & Online - isbuuc waliba adigoo baranaya maadooyin kala duwan sida Ingiriiska & ganacsiga

LIVE COACHING
Ku biir fasalo u baxaya si toos ah - In-Person & Online - isbuuc waliba adigoo baranaya maadooyin kala duwan sida Ingiriiska & ganacsiga
Ku saabsan barnaamijka fasalada
Barnaamijka fasalada tooska ah (In-Person & Online) waxa uu kaa caawinayaa in aad u baratid maadooyinka aad daneyneysid qaab casri ah adigoo jooga goobtaada, goor waliba. Isu diyaari imtixaanada caalamiga ah iyo ka faaideysiga fursadaha qarniga 21aad adigoon ka tagin shaqadaada ama aana waqti iyo lacag badan.
Fasalo loo xaadirayo si toos ah ama qaab fogaan arag ah isbuuc, dhoor jeer
Koorsooyin diyaarsan maqal & muuqaal ah oo ka caawinaya ardayda in ay sii fahmaan fikrada muhiimka ah casharka ka hor
Isla xisaabtan joogto ah si loo hubiyo hormarka ardayga sida leyliyo, imtixaano, iyo ka qeyb qaadashada shaqooyinka ka dhex socda fasalka
Hal madal oo mideyneysa waxbarashadaada adigoo la socon kara hormarkaaga iyo heerarka aad ka mareysid qeyb waliba
Sifooyinka Barnaamijka
Barnaamijka fasalada tooska ah (In-Person & Online) waxaa loo naqshadeeyay in uu lamid noqdo ama ka fiicnaado fasalkii sida tooska ah loo xaadirayay iyada oo ardaygu helayo kaabayaal waxbarasho oo si cilmiyeysan loo naqshadeeyay, isla mar ahaantaana u badbaadinaya waqti & lacag badan.
Kulano toos ah isbuuc waliba
Koorsooyin online ah
Mashruucyo aad qabaneysid
Madal qaas ah, ammaan ah
Xiriir toos ah macallinkaaga
Agabka waxbarashada & shahaado
Yaa ka faaideysan kara?
Barnaamijkan waxaa ka faaideysan kara qof waliba oo doonaya hanashada ama hormarinta xirfadaha qarniga 21aad, sida
Dooro nuuca waxbarashada ku anfaceysa
Basic Cohort
Koox arday ah oo isku heer ah
Ku fiican:
Arday horay wax u soo bartay balse doonaya in uu si qoto dheer u dabagalo maadooyin gaar ah sida luuqadda ama ganacsiga, isagoo raacaya manhaj nidaamsan
Premium Cohort
Dhoor arday oo si gaar ah loo caawinayo
Ku fiican:
Arday si gaar ah isugu xiran oo raba in ay hormariyaan heerkooda maado gaar ah sida luuqadda: dhaqaatiirta, cilmi baarayaasha, lataliyaasha, macallimiinta iyo dadka lamidka ah
* Tirada arday ee ugu yar ee loo bilaabi karo Cohort Plus waa shan (5)
V I P Member
Arday si gaar ah u doonayo in uu isaga xaliyo mowduuc gaar ah
Ku fiican:
Masuul doonayo in uu ka sameeyo heerkiisa waxbarashada, xiriirka, iyo ganacsiga hormar degdeg ah isagoo helayo manhaj u gaar ah, xilliga munaasabka u ah. Waxa uu sidoo kale helayaa kulano laltalin & tababar kabaya arimihiisa gaarka ah
Marqaatiga Ardayda Qaadata Faslada
Videographer & Designer
Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid ahay Cohort 1 ee barashada kuuqadda Ingiriiska. Wax badan ayaan baranayay Ingiriis balse weli ma arag nidaam uruursan oo iskabaya sida midka machadka Somvato. Muddo kooban ayaan ku dareemayaa isbadal weyn oo dhinaca kalsoonida luuqadda ah. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa maamulka & macallimiinta
Software Developer
Waxaan marqaati ka ahay tayada barnaamijkan fasalada luuqadda. Runtii wuxuu ii yahay fursad aan muddo sugayay. Aad ayaan ugu mahacelinayaa maamulka iyo macallimiinta. Nidaamka koorsooyinka diyaarsan, fasalada tooska ah iyo sida macallinka uu ula xisaabtamo ardayda ayaa kamid ah waxyaabaha i soo jiitay runtii. Waan kulta talinayaa qof waliba oo doonaya in uu hormariyo naftiisa
University Student
Luuqadda wax badan ayaa iiga xiran inkastoo aan baranayay tan iyo dugsigii hoose balse iima suuragalin in aan helo nidaam nuucan ah. Nidaamka CEFR aad ayuu u wacanyahay waxaana laga isticmaalaa in ka badan 100 dal, waxaana muuqata in uu wax badan ku kordhinayo maalin waliba heerkeyga luuqadda: hadalka, qoraalka, dhageysiga iyo aqriska. Lagama sheekeyn karo runtii
University Graduate & Pharmacist
Waxan ka mid ahay ardayda Cohort 1 waxaana ka faaiiday Machadka Somvato ma ahan mid lagu so koobi karo qoraal yar.
Waxan dareemayaa fahamkeyga luuqadayda in uu sare u kacay waxaana uugu wacan manhaj nidaamsan oo caalami ah & macallin nagu koontaroola ayaan haysanaa. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dr. Abdiwahab oo ah macallinkeena aan ka faaidnay wax badan. Alle ha barakeeyo.
High School Student
In badan ayaan qaatay fasalo iyo buugaag Ingiriis ah balse ma helin nidaam aan raaco kahor machadka Somvato.
Hadda waxan dareemayaa hormar iyo kalsooni anigoo waday muddo kooban oo dhoor bilood ah, weyna iga go'antahay in aan meel iska saaro luuqaddan ka hor inta aanan jaamacadda aadin insha Allah.
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ustaad Abdiwahab iyo teamkiisa oo runtii maalin waliba nagu dhiirigeliyo hormarkeena